Al-Shabaab oo la wareegtay deggaan dhaca duleedka Baladweyne + warar kale.

Friday October 09, 2026 - 10:36:52
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay jihaadiyiintu Al-Shabaab waxay hawl-gallo qorshaysan ka fuliyeen gobollo ay ka mid yihiin Gaarisa oo ku hoos-jira gumaysiga Kenya, Banaadir, Shabeellaha hoose, Hiiraan iyo Mudug.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay weerar culus oo jihaadiyiintu ay waaberigii saaka kula jarmaadeen xero ciidan oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin afaafka hore ee deggaanka Hees oo dhaca duleedka magaalada Baladweyne.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, jihaadiyiintu waxay la wareegeen gacan-ku-heynta deggaankaasi, kadib markii ay cagta mariyeen maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaasi.

Ilaa hadda khasaaraha aanu xogtiisa xaqiijinay waa dhimashada ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleshiyaadka Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jira agabyo kala duwan oo jihaadiyiintu ay kusoo furteen weerarkan, waxaana ka mid ah qori RPG ah.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa isna ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo jihaadiyiintu ay ku mireen saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Jannaale.

Waxa kale oo jihaadiyiintu ay saaka weerareen fariisimo maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ku leeyihiin Buundooyinka deegaanka Bariire iyo degmada Jannaale.

Sidoo kale habeennimadii xalay xoogagga Al-Shabaab waxa kale oo weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Yugaandha ee degmada Qoryooley.

Gobolka Banaadir, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsadeen maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.

Qaraxan oo daryankiisa meel fog laga maqlaayay ayaa lala eegtay fariisin ay maleeshiyaadkani ku leeyihiin xaafadda Xaawo Casir ee degmada Kaaraan.

Sidoo kale jihaadiyiintu waxey isla xalay qarax la beegsadeen fariisinka maleeshiyaadka Gurguurte ee Aargada degmada Dayniile ee isla magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la beegsaday.

Gobolka Mudug, waxaa isna maalinnimadii shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyey jihaadiyiinta iyo maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa Xarardheere iyo deegaanka Ceelhuur, ayaa khasaare kala duwan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka Xasan Sheekh.

Gobolka Gaarisa, jihaadiyiintu waxay saaka oo Jimce ah ka fuliyeen hawl-gal qarax ah oo ay la beegsadeen ciidamada Kenya.

Qaraxan oo khasaare kala duwan geystay ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo degmada Dhadhaab.

Sida ilo-wareedyo ay xaqiijiyeen, gaariga Kooyalka ah ee qaraxu haleelay ayaa gabi ahaanba burburay, halka askartii la socotay ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Related Items

Update cookies preferences